Latest News

May 21, 2013 - EU hands-over Sheikh Technical Veterinary School to IGAD Today, the European Union has launc ... +++ May 21, 2013 - MPs back down from a motion against the government following a public outcry Some Members of the Somali Parliame ... +++ May 21, 2013 - Bannaanbax lagu Taageerayo Xukuumadda Federaalka Somalia oo Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO) Bannaanbax lagu taageerayay xukuuma ... +++ May 21, 2013 - Midowga Yurub oo Somaliland ku Casuumay Shir ay Qabanayaan iyo kulan ay yeesheen safiirka EU-da iyo Siilaanyo (SAWIRRO) Madaxweynaha Somaliland Mudane Axme ... +++ May 21, 2013 - Afhayeenka AMISOM oo ka Warbixiyay Howlgallo Dad badan lagu soo qab-qabtay oo ka socda Muqdisho (SAWIRRO) Afhayeenka ciidamada AMISOM ayaa ka ... +++ May 13, 2013 - Gabar jacayl u sheegatay Wiil kadibna dharbaaxo kala daashay +++ May 13, 2013 - Gabay Gaaban!! +++ May 13, 2013 - Shir looga Hadlayay Ammaanka ee Gobolka Bay oo lagu Qabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolkas Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobol ... +++ May 13, 2013 - Rapes on rise in Somaliland, say medical officials An upsurge of gang rapes has hit th ... +++ May 13, 2013 - David Luiz : Waan jeclahay in aan ka garab ciyaaro Wayne Rooney Daafaca kooxda Chelsea David Luiz a ... +++

“Lacagta caruurta ha loo qeybiyo waalidiinta”

Filed under: SWEDEN,World News |

Lacagta caruurta ee loo yaqaan “Barnbidrag” ayaa dhalisa isqabqabsi badan oo u dhexeeya waalidiinta maadama hooyada si toos ah loo siiyo lacagta. Aabaha ayaa lacagta la siin karaa haddii hooyada ay u fasaxdo oo keliya taasoo dhalisa dood iyo isjiijiid mararka qaar dhex mara waalidiinta.

Xisbiga KristDemokraterna (KD) ee ka tirsan xulufada dowlada ayaa soo bandhigay qorshe si is le’eg loogu qeybinayo lacagta labada waalid. Xisbiga ayaa ku tilmaamay in nidaamka hada jira uusan ahayn mid cadaalad ah. Xisbiga ayaa sidoo kale ku taliyay in lacagta waayeelka loo qeybiyo hooyada iyo aabaha. Xiliga hada la joogo ayaa qofku marka uu waayeel noqdo waxaa lacagta loogu xisaabiyaa intii uu shaqeeyay taasoo keeneysa haddii hooyadu aysan shaqeyn in ay qaadato lacag ka yar mida aabaha. Xisbiga ayaa ku taliyay in lacagta waayeelka ee aabaha laga jaro oo loo qeybiyo hooyada maadaama ay caruurta korisay.

Xisbiga KD ayaa waxa uu hada ka midyahay xisbiyada ugu taageerada yar Sweden. Waa xisbi fikradoodu ku dhisantahay diinta Kiristaanka. Waxaa cabsi laga qabaa in xisbigaan uu cod ka heli waayo doorashada baarlamaanka ee socota. Qoryaashaan uu soo bandhigay xisbiga ayaa u muuqda kuwo lagu soo jiidanayo qoysaska.

Hadaba sidee u aragtaa in lacagta caruurta loo qeybiyo aabaha iyo hooyada? Maku raacsantahay xisbiga?

You must be logged in to post a comment Login