Latest News

May 21, 2013 - EU hands-over Sheikh Technical Veterinary School to IGAD Today, the European Union has launc ... +++ May 21, 2013 - MPs back down from a motion against the government following a public outcry Some Members of the Somali Parliame ... +++ May 21, 2013 - Bannaanbax lagu Taageerayo Xukuumadda Federaalka Somalia oo Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO) Bannaanbax lagu taageerayay xukuuma ... +++ May 21, 2013 - Midowga Yurub oo Somaliland ku Casuumay Shir ay Qabanayaan iyo kulan ay yeesheen safiirka EU-da iyo Siilaanyo (SAWIRRO) Madaxweynaha Somaliland Mudane Axme ... +++ May 21, 2013 - Afhayeenka AMISOM oo ka Warbixiyay Howlgallo Dad badan lagu soo qab-qabtay oo ka socda Muqdisho (SAWIRRO) Afhayeenka ciidamada AMISOM ayaa ka ... +++ May 13, 2013 - Gabar jacayl u sheegatay Wiil kadibna dharbaaxo kala daashay +++ May 13, 2013 - Gabay Gaaban!! +++ May 13, 2013 - Shir looga Hadlayay Ammaanka ee Gobolka Bay oo lagu Qabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolkas Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobol ... +++ May 13, 2013 - Rapes on rise in Somaliland, say medical officials An upsurge of gang rapes has hit th ... +++ May 13, 2013 - David Luiz : Waan jeclahay in aan ka garab ciyaaro Wayne Rooney Daafaca kooxda Chelsea David Luiz a ... +++

Soomaalida oo ugu badan magangalyo doonka cusub

Filed under: SWEDEN,World News |

Tirada magangalyo doonka iska dhiibay Sweden qeybtii hore ee sanadkaan ayaa cirka isku shareertay iyadoo Soomaalidu ay noqdeen dadka ugu badan ee iska dhiibay Sweden. 16,335 qof ayaa iska dhiibay Sweden qeybtii hore ee sanadka iyadoo 2,507 ka mid ah dadkaas ay yihiin Soomaali.

Marka loo barbar dhigo sanadkii la soo dhaafay ayaa tirada Soomaalida cusub ee magangalyo doonka ah waxay siyaasaday 58% taasoo ka dhigaysa dadka ugu badan ee hada Sweden iska dhiibaya. Arintaan ayaan dhicin ilaa sanadkii 2010 xiligaas oo Soomaalidu ugu badnaayeen magan galyo doonka, ka hor intii aan la joojin mideynta qoysaska Soomaalida. Laanta Socdaalka ayaa sheegtay in qulqulka cusub ee Soomaalida ay sabab u tahay dib u furida mideynta qoysaska.

Dadka labaad ee ugu badan ee Sweden iska dhiibay sanadkaan ayaa waxay yihiin Afghanistan iyagoo sanadkii hore ahaa kowaaad. Sidoo kale waxaa 4 jibaarmay dadka ka soo jeeda Siiriya ee magan galyo doonka ah taasoo ay sabab u tahay colaada wadankaasi ka taagan.

Iyadoo hada ay bilaabatay soo qaadista Soomaalida lala mideynayo reerahooda ayaa waxaa dhibaato noqon doonta haddii dadkii la keenay ay isdhiibaan taasoo la dhihi karo waxay ka mid ahayd sababihii markii hore loo joojiyay Soomaalida.

You must be logged in to post a comment Login