Latest News

May 21, 2013 - EU hands-over Sheikh Technical Veterinary School to IGAD Today, the European Union has launc ... +++ May 21, 2013 - MPs back down from a motion against the government following a public outcry Some Members of the Somali Parliame ... +++ May 21, 2013 - Bannaanbax lagu Taageerayo Xukuumadda Federaalka Somalia oo Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO) Bannaanbax lagu taageerayay xukuuma ... +++ May 21, 2013 - Midowga Yurub oo Somaliland ku Casuumay Shir ay Qabanayaan iyo kulan ay yeesheen safiirka EU-da iyo Siilaanyo (SAWIRRO) Madaxweynaha Somaliland Mudane Axme ... +++ May 21, 2013 - Afhayeenka AMISOM oo ka Warbixiyay Howlgallo Dad badan lagu soo qab-qabtay oo ka socda Muqdisho (SAWIRRO) Afhayeenka ciidamada AMISOM ayaa ka ... +++ May 13, 2013 - Gabar jacayl u sheegatay Wiil kadibna dharbaaxo kala daashay +++ May 13, 2013 - Gabay Gaaban!! +++ May 13, 2013 - Shir looga Hadlayay Ammaanka ee Gobolka Bay oo lagu Qabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolkas Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobol ... +++ May 13, 2013 - Rapes on rise in Somaliland, say medical officials An upsurge of gang rapes has hit th ... +++ May 13, 2013 - David Luiz : Waan jeclahay in aan ka garab ciyaaro Wayne Rooney Daafaca kooxda Chelsea David Luiz a ... +++

Home

Raa’isal Wasaaraha Somaliya oo la-kulmay Raa’isal

Wasaaraha Kenay

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali ayaa maanta la kulmay dhigiisa Ra’iisul Wasaaraha Kenya Raila Odinga oo ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal, arrimaha amniga iyo howlgaladda ka socda dalka gudihiisa oo ay ciidamada Kenya qeyb ka yihiin, heshiiskii Addis Ababa iyo shirka Istanbul lagu wado inuu ka dhaco 31ka May 2012. Safiirka Soomaaliya Mohamed Ali Ameriko iyo Ilyas Barre Shiil ayaa ka mid ahaa dadkii goob jooga ka ahaa kulankan.

Ra’iisul Wasaaraha Kenya Raila Odinga ayaa marka hore soo dhoweeyey Ra’iisul Wasaare Abdiweli Mohamed Ali kuna ammaanay dadaalada socda iyo horumarka baaxadda leh ee Soomaaliya ay sameysey 11kii bilood ee la soo dhaafay. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey dhigiisa soo dhoweynta quruxda badan, isla markaana warbixin dheer ka siiyey xaaladda dalka iyo horumarka baaxadda leh ee laga sameeyey dalka iyo sida ay Soomaalidu uga go’antahay soo afjaridda xilliga KMG ah oo uu sheegay in madaxda Soomaalida ay Addis Ababa heshiis taariikhi ah ku soo gaareen oo ay la socoto jadwal mucayan ah oo taariikheysan.

Labada Ra’iisul Wasaare waxey si qoto dheer uga wada hadleen sidii mudada yar ee ka dhimay 20ka August si fiican looga faa’iideysan lahaa, waxey kaloo ka wada hadleen shirka Istanbul 2 oo ay labada Ra’iisul Wasaare isla meel dhigeen qorshaha shirka Istanbul iyo sidii ay labada RW uga wada shaqeyn lahaayeen soo afjaridda Xilliga KMG ah.

Ra’iisul Wasaaraha Kenya ayaa sheegay in Dowladda Kenya ay Safaarad ka furaneyso Muqdisho si ay wallaalahood Soomaaliya u tusaan kalsooni buuxda iyo sidii wada shaqeynta labada dal ay u noqon lahaayeen kuwo dhameystiran.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku sugan Nairobi ayaa kulamo kala duwan la yeelanayey diblomaasiyiinta beesha caalamka oo uu kulamo gooni gooni ah la qaatay Safiirada Mareykanka, China iyo Ergeyga Gaarka ah ee QM Ambassador Mahiga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah uu u ambabaxayo Turkiga oo uu kulan gaar ah la leeyahay dhigiisa Ra’iisul Wasaaraha Turkiga Erdogan maalinta 30ka May, kulankan oo ka dhacaya magaalada Ankara, ka dibna uu RW ka qeybgali doono kulanka Istanbul.

Ra’iisul Wasaare